Fariin uu diray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya

Anigooku hadlaya magacayga iyo magaca dowlada konfur-Galbed  Soomalia

Waxan aad ugu mahad celinaya aqoonyahanada ku howlan  waxbarashada  guud ahan,gaar ahaan  kuwa taclinta saree ee  jaamacaddaha.

Waxan halkan uga hambalyeynayaa maamulka iyo macaliminta jaamacadda baydhoba  ardeyda  ka qalin jabisey  jaamacadda Baydhoba.

Waxanan idinku  dhiiri-gilinayaa in aad aqoontiina halkeeda kasii wadaan la wadaagtan bulshadda aqoonta  aad barateen ,kana shaqeysaan horumarka dalka diinta dadka  iyo dowladiinta  koonfur galbeed Soomaliya,

Waxan  idin xasuusinaya  in aada iloowin halkudhig  jaamacadiina  oo ahaa BU Waa ( Hoyga Aqoonta Akhlaaqda  iyo Hal-abuukrka  )

Waxan ugu mahad celinayaa magaceyga iyo macaga  dowlada koonfur galbeed Soomalia ( KGS  ) Prof: Aweis Abdullahi Ibrahim  & Hon. Sharif Mohamed Abdullahi  Husein  daddalka ay  u horseeden si lo aas aaso waxbarasaho sare, mahadsanidiin  mudunayaal.

Waxad muteysteen bilada Sharaf dowlada DKGS-Soomaliya.

Waxa xusid mudan in jaamacadda baydhoba ay kamid tahay jaamacadaha uga wanagsan ee deegaanadda koonfur galbeed somaliya  waxan ognahay in kalinta 1aad  ka gashay  jaamacaddaha deegaanada koonfur galbeed  qiimeentii jihooyin madax banana ay sameeyeen.

Dowlada konfur galbeed  aya dadaal xoogan uga jirta  sidii dhalinyarada  wax bartey  ay uga sameyn lahaayen shaqo abuur  si ay u  garaan  isku filnaasho  dhaqaale iyo noolal  xasilooni haddi alle idmo. Waxan  uso jeedinayaa dhalinyarada  kaqalin jibisey  jaamacada baydhoba  rag iyo  dumar ba in ay si dhab aha  uga shaqeeyan  horumarka  dalkooda  iyo dowladnimadooda, ai aynu u gaadhno himilada aynu  hiigsaneyno .

Haddii ay noqoto  hal-abuur ganacsi ama teknoloji, dowladdaydu waxa ka go’an   in ay taageerto  waxbarashada  iyo hal-abuurka  dhamaantiina Guuleysta

Mudane: Cabdicaziz Mohamed Hassan  lafta-green Madaxweynaha KGS

Leave a Reply